Sida loogu muransan yahay meesha ay Soomaalidu ka soo jeeddo ayaa si taas la mid ah la isku maandhaafsan yahay ulajeeddada erayga "Soomaali". Qoraal fac weyn oo la yidhaahdo “The Periplus of the Erythraean Sea” oo lagu sunto xilligii la qoray qarnigii 1aad ee miilaadiga, waxa uu muujinayaa in carriga ay Soomaalidu ku nooshahay (siiba dhinaca xeebta Gacanka Cadmeed xiga) loo yiqiinnay "Berberia", oo sida uu sheegay qoraha The Periplus, ay ka jireen magaalooyin is-marooyin ah (camiran), aadna loo yiqiinnay oo ay ka mid ahaayeen Avalites (Saylac), Malao (Berbera), Mundus (Maydh? Xiis?), Mosyllum (Ceelaayo), Pano (Hordiyo), Opone (Xaafuun) iyo kuwa kale ee ku yaalla xeebta koonfureed sida: Sarapion (Muqdisho) iyo Nicon (Baraawe).
Gacanka Cadmeed waxa waayihii hore loo yiqiinnay 'Gacanka Berbera' ama 'Khaliij-al-Barbar' - taasi waxa ay muujinaysaa in magaalada Berbera ay ahayd magaalada ugu magaca dheer marsoonyinkii ku yiillay "Khaliijka Cadmeed." Sidoo kale waxa aynnu halkaas ka garan karnaa in dadka reer Berbera oo looga jeedo Soomaalida ay yihiin dad aad u magac weyn. Arrinkan waxa aynnu ka faaloon doonnaa marka aynnu ka hadlayso xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale
Product Details
Paperback
Somali
2015
Be the first one to review this product.
Your review is submitted for approval.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
By subscribing to our newsletter you agree to our Privacy Policy.