Madbacada Hiil Press

Yoolasha horumar waara

In stock
$10.00
Buuggan Yoolasha Horumar Waara ee uu qoray Cabdiraxmaan Cismaan Gaas waxa uu koobsanayaa ka hadalka baahi si dhab ah u jirta oo bulshooyinka ka dhex abuuran, gaar ahaan bulshooyinka afrikaanka ah, Qoraagu wuxuu buugga ku xusayaa yoolasha ay bulsho horumar hagaagsan oo waara ku gaadhi karto, xitaa hadii bulshadaasi ay tahay mid marxaladdii saboolnimada ku jirta.
Wuxuu ku xusayaa buugga 17 yool oo kamida ajendihii hogaamiyeyaasha caalamku saxeexeen ee beddelay yoolashii kunka sanno ee nolosha aadamaha hiigsiga u ahaa, iyagoo uga gol lahaa in heshiis waara oo muddaysan laga gaadho horumarka mustaqbalka aadamaha.
Qoraagu wuxuu caqabadaha iyo xalkoodaba u kala horeysiinayaa sida ay mudnaanta u kala leeyihiin isagoo xoogga saaraya in dardar gelinta yoolashan laga soo bilaabo halka ugu mudan oo ah in saboolnimada la cidhibtiro, gaajada la dabargooyo, caafimaad hagaagsan iyo waxbarasho tayeysan aadamuhu helo, sinaan lammaane iyo koboc dhaqaale lala yimaado; wuxuu qabaa Cabdiraxmaan kolka intaas laga soo gudbo oo uu qofku iskii istaagi karo, baahiyihiisa asaasiga ahna uu dabooli karo in hal-abuur ganacsi uu la iman karo, laakiin kaabeyaasha dhaqaalaha la’aantood aanay waxbadan suurtogal noqon Karin.
Kolka uu qoraagu tobankaas yool ee muhiimka u ah in bulsho gaadho si ay u kacaanto isku xidho ayuu u gudbayaa toddobada kale sida; in la dhimo kala sarreynta, helidda xasilooni waarta magaalooyin iyo wax-soosaar masuuliyad ku dhisan, wax ka qabadka cimilada, horumarinta cadaaladda, sugidda nabada iyo ugu danbeyn in la xoojiyo fulinta yoolashan, iyada oo dunidu iska kaashanaysa gaadhidda horumar waara!
Ugu danbayn qof kasta oo xiiseeya wax akhriska waxaan kula talin lahaa in uu akhriyo buuggan, xogo badan oo aan isleeyahay weli ereyga dhigan ee afkeenna ku qoran lagama soo heliyo ayaa ku qoran; sidoo kale waxaa ku duugan aqoon dhab ah oo sahay u noqon karaysa bulsho safar ugu jirta helitaanka horumar waara.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.