Buuggani, waxa uu ka koobanyahay, saddex cutub oo kala ah: (1) Arar, oo u kala baxa shan waaxood oo kala ah: Muxuu yahay jidka innoo furan ee qofku xorriyaddiisa ku gaadhi karaa, xidhiidhka u dhexeeya xorriyadda iyo haayadaha dawladda, sharciga xuquuqda iinsaanka, iskacaabbinta qooqa awoodeed, iyo derbiga sharciga. (2) Xorriyadda Maanka, oo isna ka kooban shan qaybood oo kala ah: Xorriyadda cabbiraadda, xorriyadda xilliyada masiibooyinka, xorriyadda saaxadda siyaasadda, xorriyadda ururnimada iyo xorriyadda habdhaqanka. (3) Xorriyadda Awoodda Bulsheed, oo isna saddex dhudood ah: Xorriyadda sinnaanla’aanta, xorriyadda sinnaanla’aanta waayaha dhaqaale, xorriyadda qoomiyadeed.
Cutubka Koowaad: Arar
Xorriyadda waxaan ka wadaa in la waayo dabar kasta, lana helo waayaha bulsheed ee marka ilbaxnimada casriga ah la joogo, lamahuraanka u ah dammaanadqaadka badhaadhaha shakhsiyadeed. Waxaan uga golleeyahay in aan u dhabbogalo shuruudaha lamadhaafaanka u ah in taa la xaqiijiyo, waxaanan si gaar isugu taxalluujinayaa in aan daaha ka feydo xeerarka habdhaqameed ee ay tahay in taliska siyaasadeed ku waafaqo haddii la rabo in raaciyaddiisu ay si dhab ah xor u noqoto.
Ugu horreynba, waxa aan ku doodayaa in xorriyaddu ay sida daruuriga ah, tahay maqnaanshaha dabarka. Taasina waxay ka dhigantahay awoodda loo leeyahay fididda iyo in shakhsigu doorto jidka uu u marayo noloshiisa khaaska ah, isagoon la kulmayn diidmooyin dibedda kaga yimaadda. Iinsaankana, sida uu Hegel ku dooday, xorriyaddiisa kama helayo addeecista qaannuunka. Wuxuun buu xor yahay marka xeerarka uu ku hoos noolyahay aanay dareensiinayn in ay tahay in ay ka caagganaadaan waxyaabaha uu muhiimka u arko.
Farriintaydu waxay khuseysaa aragtida sheegaysa, haddii ay dowladda ka mid tahay koox isku urursatay awood siyaasadeed oo aan xad lahayn, in cidda ku hoos nooli aanay xor ahayn. Kalahufidda taariikheed, natiijada aan lagu kala baydhayn ee ka soo baxaysaa waa casharka dhigaya in ciddii leh awood aan xakameysnayni ay iyaduna wax ku la’dahay.
Sidoo kale, waa in aynaan isku khaldin xorriyadda iyo wanaagyada kale ee ay xorriyaddu la’aantood bilaa micnaha noqonayso. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in saaxadda dhaqaaluhu ay dabarla’aan noqoto, marka la eego in qof kastaa xor u yahay in uu galo mihnada uu janto. Haddana, haddii uu faromadhnaan ka istaago mihnad shaqo, wuxuu baylah u noqonayaa addoonsi dhimmireed iyo mid jidheed oo aan la jaanqadayn nuxurkii xorriyadda. Markaa, dammaanadda dhaqaaluhu ma aha xorriyad, inkasta oo ay tahay shuruud aanay xorriyaddu la’aanteed hanaqaadayn.
Xaqa qofku u leeyahay waxbarashada casriga ahi waxay aasaasi u noqotay xorriyaddiisa markii saynisku uu gacanta ku dhigay dabeecadda ee taasina ay si gun iyo baar ah u beddeshay ilaha awoodda. Markaad qofka ka qadiso aqoonta iyo jidka uu u marayo aqoon taa ka sii weyn, waxaad ka dhigaysaa in uu addoon u noqdo kuwa isaga ka ayaanka badan. Laakiin in aqoonta la iska qadiyaa ma aha in xorriyadda la iska dafiray. Waa se’ in la iska dafiray awooddii uu qofku u lahaa in uu xorriyadda u adeegsado hadafyo ka waaweyn.
Dawladdii kasta ee laga rabo in xorriyaddu hadafkeeda gaadho, waa in sidoo kale laga helaa sinnaan. Haddana, sinnaantu lama mid ah xorriyadda. Dabcanna ma waafaqsani odhaahda caanka ah ee Lord Acton ee tidhaahda: “oonka sinnaanta loo qabaa wuxuu waxba-kamajiraan ka dhigaa rejada xorriyadda.” Waayo, xorriyadda iyo sinnaantu may gaadhin heer ay isburiyaan oo meesha ka saaraan isdhammeystirka. Waxaana suurogal ah, in dadku sinnaan ku hoos helo nidaam kelitalis ah, haddana aanu xor noqon.
Fekradda sinnaantu, waa in la isu dheellitirmo. Waa iskudday lagu rabo in qof kasta la siiyo wax alla wixii fursado suurogal ah ee uu uga faa’iidayn karo awoodaha uu haysto. Fekradda sinnaantu, marka la isku soo xooriyo, waa in loo habeeyo fursadaha si’ aan qofna shakhsiyaddiisa faromadhnaan ku ridayn oo aan ku keenay in cid gaar ahi dheeftiisa u hadho.
Xuquuqaha qof kastoo innaga mid ahi waxay ku tiirsanyihiin derbiga difaaca ah ee nidaamka bulsheed. Micno samayn mayso in qof laga dhigo in uu bulshada ka dhex baxsan yahay oo uu xorriyad ku helayo meel ka baxsan deegaanka bulsheed. Xorriyaddeennu waxay ku dhex hirgelaysaa jewi fawdaysan oo ay isdhexqaadayaan dano loollamaya haddana iskaashanaya.
Mar kasta oo aynu jamashadeenna si kalgacal leh ugu lammaanaysiinno jamashada dowladda, waa markasta oo ay xorriyaddeenu sii dhammeytiranto. Dabeecadda dunta bulsheedna waxay nuxurka xorriyadda ku soo koobaysaa kajawaabidda dalabaadka xorriyadda. Kolka aan dawladda adeecayo, sida dhabta ah naftaydaan adeecayaa; micnaheeda runta ah marka la dhadhamiyana, amarradeedu waa kuwayga.
Qof kasta oo innaga mid ahi wanaagga wuxuu u doonayaa sida uu u arko; qof kasta oo innaga mid ahina wuxuu wanaagga u arkaa sida uu ka soo tuujiyey waayo’aragnimadiisa qofeed ee gaarka ah oo aanu qof kale si’ buuxda ula wadaagin. Aragti kasta oo siyaasadeed oo meelmar ahina waa in ay ka bilaabantaa in ay ku duldhisanto soocnaanta kamaddanbaysta ah ee shakhsiyadda qofeed.
Xubinta 1aad: Muxuu yahay jidka innoo furan ee qofku xorriyaddiisa ku gaadhi karaa?
Qofku marka uu barbaaro wuxuu is arkaa isagoo badhtanka u fadhiya xidhiidho kakan oo ay tahay in uu naftiisa uga soo diiro habdhaqanka uu u arko inuu badhaadhe siinayo. Waxa ku xeeran qoyskiisii, saaxiibbadii, kooxaha uu si iskii ah ugu biiro ama wax la mid ah; halkanna waxa ah dawladdii. Qofku, wuxuu goyn karaa qoyskiisa ama saaxiibbadii; wuxuu ka bixi karaa xubinnimada haayadaha mihnadeed – laakiin marna ma diidi karo xubinnimadiisa dowladda.
Waxay dawlad xorriyadi ka jiraysaa haddii qof kastaa ogsoon yahay in go’aanada madaxda sare qaadanaysaa aanay ku xadgudbayn shakhsiyaddiisa. Muwaaddinka dalbanaya xorriyadduna wuxuu xaq u leeyahay in uu helo shuruudo guud ahaan u dammaanadqaadaya in uu awood u yeelanayo in uu cagta saaro dhabbada uu ku gaadhayo badhaadhihiisa, sida ay isaga ula muuqato, isaga oo aan laga carqaladayn.
Xorriyaddu aasaasi ahaan, waa cabbiraadda jewi aan la taaban Karin oo dadka sima. Waa dareen ku aaddan in waxyaabaha aynu muhiimka u aragno ay ku dhexjirto fursad ina siinaysa hindise sii soconaya iyo ogaal aynu yaqiinsanno in aynu istijaabin karno, iyadoo taasi aanay wax halis ah ku keenayn badhaadhaheenna. Markaa, xor ma nihin illaa aynu dejinno qorshe aynu ku dhaqanno oo ay iswaafaqayaan shakhsiyaddeenna gaarka ah, innagoon la kulmayn ciqaab bulsheed.
Xubinta 2aad: Xidhiidhka u dhexeeya xorriyadda iyo haayadaha dawladda
Qof kasta oo ka fekera xidhiidhka u dhexeeya iyo haayadaha dawladdu, sidaan qabo, wuxuu gaadhayaa go’aanka ah in aan xorriyadi imanayn dimoqraadiyadda la’aanteed. Waxay khuseysaa, ugu horreyn, qaab dawladeed oo dadka loo siiyay fursad ay ku dhistaan xukuumadda ay ku hoos noolaanayaan, iyo in xeerarka xukuumaddaasi soo saaraysaa ay dadka u qaban doonaan si siman.
Wax kasta oo nidaamka dawladeed ee dimoqraadiyadda laga sheegaa aniga agtayda waxkasooqaad ma leh, waayo waa nidaamka kaliya ee xukuumadda ku qasbay in ay u dhegonuglaato baahiyaha dadka iska caadiga ah, taas oo ah wax aan nidaamada kale ka suurogelin.
Taariikhda halganka xorriyadda shacabku waxay qaacidooyin gaar ah innaga bartay nidaamsanaanta dawladeed ee jiritaankeedu muhiimka u yahay xorriyadda. Suurogal maaha in muwaaddinka xorriyaddiisu sugnaato illaa xuquuqaha qaar loo dammaanadqaado, kuwaas oo aanay xukuumadina sinaba u niyaysan Karin in ay duudsido; si xuquuqahaas loo sii joogteeyana, la kala saaro awoodda garsoorka iyo midda fulinta.
Shaqada garsoorku, marka si guud loo hadlayo, waa in uu si dhex ah u fasiro xeerka marka uu kala saarayo xukuumadda iyo muwaaddiniinta, ama dabaqadaha muwaaddiniinta ee dhexdoodu isqabta. Tusaale ahaan, xukuumadda ayaa qof ku tuhuntay khiyaano qaran; dabcan qofkaasi wax daruuri u ah xorriyaddiisa ayuu waayayaa haddii xeerka loo luqunjibbaadho si ‘khiyaanada’ looga dhigo wax aanay dhab ahaan ahayn, iyadoo loo dan leeyahay in la denbabaso ficillada ay xukuumaddu rabto in loo aqoonsado in ay ‘khiyaano’ yihiin. Markan oo kale, aad bay muhiim u tahay in garsooraha loo dammaanadqaado madaxbannaanidiisa iyadoon waxba la gaadhsiinayn bedqabkiisa.
Ugu danbayn, waxaan oggolahay in fekradda soojireenka ah ee ku baaqaysa kalasoocista awoodaha garsoorka iyo fulinta, iyo in garsoorku xaq u leeyahay in uu go’aan ka gaadho sharcinnimada qaraarada fulinta ay saldhig u tahay xorriyadda.
Xubinta 3aad: Sharciga Xuquuqda Iinsaanka
Waxa sidoo kale jira mad-hab diimeed kale oo muhiim u ah ilaalinta xorriyadda: sharciga xuquuqda iinsaanka. Mad-habkani wuxuu si gaar ah lamataabtaan uga dhigaa mabda’yo cayiman; sida xorriyadda hadalka, in qofka laga ilaaliyo in la iska xidho, iyo wixii la halmaala.
Xaqiiqadu waxay tahay in waxgalnimada Sharciga Xuquuqda Iinsaanku ku xidhantahay ka-go’naanta shacabka. Waxa hubanti ah, in habraacyada dastuureed aanay keligood, si kasta oo ay u xooggan yihiin, ka hortegi karin xadgudubka ka dhanka ah xorriyadda. Wuxuun bay sii shaqaynayaan inta ay shacabka ka go’antahay in ay sii adeegsadaan, kamase badan karaan.
Sidaas darteed, waxaan ku gebogebaynayaa, in guud ahaan ay tahay in bulsho ahaan aynaan oggolaan mishiinka dawladdu in uu u adeego qaddiyadda xorriyadda jeer oo aynu horta meelmarinno hadafyada ay xorriyaddu hiigsanayso.
Xubinta 4aad: Iskacaabbinta Qooqa Awoodda
Waxa jira qodob kale oo ay tahay inaan ka eego wejiga siyaasadeed ee xorriyadda. Waxaan ku doodayaa, in “iskacaabbinta qooqa awooddu” uu daruuri u yahay xorriyadda, maxaa yeelay awoodda ayay caadadeeda tahay in marka ay fursad u hesho isfidiso oo xuduudda tamaradeeda aad u ballaadhsato.
Mar kasta oo ay baahinta awoodda dawladdu ballaadhato, iyo mar kasta oo ay maamuldaadejinteedu badato, waa markasta oo ay korodho jibbada dadweynaha ee ku aaddan xorriyadda. Dabcan waa odhaah weyn, waxayna taabanaysaa marka lagu eego ereybixinada waayo’aragnimada taariikheed, in xukunka wanaagsani uu ugu danbaynta ka qiimo yar yahay oo ka waxtar yar yahay isxukumidda. Waxaan ka wadaa: shuruucda bulshada dusha lagaga keeno, xitaa haddii ay maslaxadi ugu jirto, ayaa xagga fulinta hadafka ay doonayaan kaga waxtar yar shuruucda sida dabiiciga ah hoosta uga dhisma.
Mar kasta oo uu bato heerka muwaaddinku ka qayb noqon karo dejinta shuruucda uu ku hoos nool yahayna, waa mar kasta oo uu sii badanayo heerka uu shuruucdaa ugu addeecayo si xor ah oo aan jujuubnayn. In qof kasta loo caadiyeeyo in uu naftiisa u arko shakhsi ay qasab tahay in lala tashadaa waxay muddada dheer keenaysaa, iyadoo talogelintaa loo marayo, in la xaqiijiyo kafeynta jamashooyinka.
In xukuumadda dhexe lagu sii daayo go’aan-ka-gaadhista masalooyin raadeynaya qayb bulshada ka mid ahina waxay ka dhigan tahay in qaybtaa laga dilayo dareenkii masuuliyadda iyo caadadii hal’abuurnimada. Aslanba, xilalka dusha la iskaga keeno ee dabci ahaan islajaanqaadka lihina way yar tahay inta ay meelmar noqonayaan haddii aanu unuggoodu si dhab u haysan.
Xubinta 5aad: Debciga Sharciga
Qodobada aan illaa hadda soo taabannay waxay isugu tegayaan aragtida ku aaddan Debciga Sharciga. Fekradda aan qabaa waxay soo jeedinaysaa in sharcigu aanu ahayn amarro qiilkooduba yahay fadliga ay ku isirran yihiin e, uu yahay qaacidooyin hiigsanaya in ay kafeeyaan jamashooyinka iinsaanka.
Habka ugu fiican ee lagu garan karaana waa in dadka laga qaybgeliyo marxalad kasta oo ka mid ah hannaanka lagu dejinayo sharciga. Sababtoo ah, dadku ma aqbalaan sharciga ay u arkaan in uu lid ku yahay wixii muhiimka u ahaa.
Sharcigu ma aha amar keliya; sidoo kale waa baaq. Waa iskudday lagu rabo in waayo’aragnimadayda lagu biiriyo shuruucda la igu soo rogayo. Fekraddan si xooggan oo loo dhigi karaa waa in sharcigu ka askunmo aqbalaadda shakhsiyaadka, iyo in nuxurka geeddiga sharcisameyntuba uu yahay oggolaanshaha maskaxaha uu raadeynta ku yeelanayo.
In aan aqbalo mabda’yo kale oo qasab la igaga dhigayo, aniguna aanan ka dhex arkayn cabbiraadda waayo’aragnimadaydu waxay iga dhigaysaa addoon, anigaygii ay ahayd in aan xor noqdo. Waxaanan aalad u noqonayaa ujeeddooyin qalaad, oo hiigsanaya yool dafirsan qofnimadayda.
Shakhsigu wuxuu xaq u leeyahay in uu go’aanka damiirkiisa ku eego arrimo guud. Wuxuu sidoo kalena xaq u leeyahay in uu aamino in aanu qaacidooyinka ay tahay in uu ku dhaqmayo helayn iyagoo ku mideysan nidaam cayiman ama dhowr nidaam oo gaar ah.
In loo dagaallamo sugidda xaqa uu qofku u leeyahay in uu waajibaadkiisa u guto sida uu u arkaa kama dhigna in xorriyadda loo dagaallamay oo keli ah e, sidoo kale waa halgan loo galay dhammaan yoolasha xoroobidda ee iinsaanku hiigsanayo.
Cutubka Labaad: Xorriyadda Maanka
Si kasta oo ay ahmiyad u leeyihiin nidaamyada siyaasadeed ee ay xorriyaddu ku tiirsan tahay, keligood ma shaqaynayaan. Ogaalka loo leeyahay in xadgudub kasta oo xorriyadda lagu la kaco lagu waajihi doono iskacaabbin kaga timaadda dad ay ka go’an tahay is’hortaagga xadgudubkaas – ogaalkaas oo keliya ayaa ah, marka si kamaddanbays ah loo lafaguro, ilaalada runta ah ee xorriyadda.
Muwaaddinku wuxuu baadiddoon ugu jiraa badhaadhe, dawladduna waxay isaga u tahay haayad u jirta in ay badhaadhihiisa suurogal ka dhigto. Qofkana, waayo’aragnimadiisu waa mid naftiisa u gaar ah. In loogu beddelo waayo’aragnimada qof kale, si kasta oo ay uga ballaadhan tahay ugana xigmad badan tahay, iyadoo lagu jujuubayo oo sanka lagaga tolayo, waxay ka dhigantahay xorriyaddiisii oo la dafiray.
Haddii waayo’aragnimadiisa xisaabta lagu darsado, marka ay dawladdu siyaasadaha dejinayso, qofku wuxuu awood u yeelanayaa in uu si xor ah u carrabbaabo. Xaqa loo leeyahay in laga hadlo, oo la faafiyo, oo lala raadsado in lala wadaago dadka kale si waaqica looga turjumo, waa arrin asaasi u ah xorriyadda.
Haddii aanay jirin xorriyadda maanka iyo midda kamidnoqoshadu, qofku wuxuu sidan aynu u nidaamsannahay bulsho ahaan ku dhex noqonayaa mid ka faromadhan hababkii uu naftiisa u ilaalin lahaa. Mar alla marka aynu xarrimno xorriyadda hadalka, waxaynu xarrimaynaa naqdinta ka dhanka ah nidaamyada bulsheed; dabadeed ra’yiga keliya ee meelmarka ahi wuxuu noqonayaa wixii waafaqsan jamashada cidda talada haysa.
In qofka waayo’aragnimadiisa la cabudhiyaa waxay ka dhigan tahay in shakhsiyaddiisa la cabudhinayo, iyo in aynu ku dirqiyayno aragtideenna ku aaddan waxa ay tahay in noloshiisu ay noqoto, innagoo meesha ka saarayna wax kasta oo isaga oo keli ahi micno ka dhex helayay. Argagixintu aragtida ma beddesho. Iska daa in ay beddesho e, waxay xoojisaa aragtidaa; dhanka kalena waxay indhahooda ku soo jeedisaa dad, haddii aanay tani dhacdeen, aan dan iyo heello toona ka galeen.
Xubinta 1aad: Xorriyadda Cabbiraadda
Ujeeddada qummaatiga ah ee sharcigu waa in haayadaha rasmiga ah ee dawladda laga ilaaliyo wixii necbaansho ama xaqiraad u soo jiidaya. Mawduuca dastuurka bulsheed kama soo helayno wax innoo bannaynaya in aynu nidhaahno waa waajib in la xarrimo bandhigista mabda’yo gaar ah.
Marka wax kalaba laga tago, cabudhinta waligeed wax isqancin ah lagu ma helo. Waxayse’ gebigeeduba fashaa in ay koox yar oo dadka ka mid ahi ku riddo quus garbaduub ah; shacabweynahana geyaysiiso in aanu gebi ahaanba xaalayn arrimaha siyaasadeed – fekerka siyaasdeedna, si kasta oo uu u xigmad daranyahay ama u khaldan yahay, meel madhan kama curto.
Xaqa ah in si xor ah loo daabbaco ereyga qorani, dhab ahaan, waa hababka ugu korran ee boogaha loo dhayo. Xukuumadaha xigmadda badanina had iyo goor waxay naqdinta mucaaridkooda ka bartaan wax ka badan inta ay ka heli karaan ammaanta saaxiibbadood. Marka ay naqdinta cabudhiyaanna, waxay jidka u sii xaadhayaan burburkooda.
Xubinta 2aad: Xorriyadda Xilliyada Masiibooyinka
Hadafka koowaad ee bulsho kastaa waa in uu noqdaa amni nidaamsan; marka taas la helo ayuun baa wakhti loo helayaa kahadlidda xorriyadda hadalka. Marka si guud loo eego, kacdoonada waxa fashiliya cidda ku qasabta in kacdoonku deedifeeyo xorriyadda mucaaridka.
Ra’yi-dhiibashada xilliga dagaallada oo la dabro ra’yigii loo arko in aanu carqaladaynayn gudogalka dagaalku waxa ay sida dhabta ah ka dhigantahay waaxda fulinta oo gacan madaxbannaan la siinayo. Marka xaqa naqdintu uu meesha ka baxo, waaxda fulintu waxay ku kacdaa dhammaan doqonnimooyinka lagu yaqaan kelitalisyada. Ficilladeeda waxay huwisaa sifo ilaahnimo ku dhow. Shacabkana waxay ka xarrintaa macluumaadka muhiimka u ah in ay si hagaagsan go’aan uga gaadhaan siyaasadaheeda.
Si guud, xorriyadda hadalka ee xilliga dagaalku wuxuun bay la mid tahay xorriyadda hadalka ee xilliga nabadda. Waayo, xilliga dagaalku waa wakhti ay ummaddu maxkamad saaran tahay oo muwaaddiniinta ay waajib ku tahay, ugu horreynba, in ay sheegaan wixii ay shaahid u noqdaan.
Xubinta 3aad: Xorriyadda Saaxadda Siyaasadda
Waxaan u arkaa in xorriyadda qofku u haysto in uu dhiggii kala qaybqaato hawl ay wadaagaan oo arrin ama tu kale ku saabsan oo ay ugu jirto maslaxad isu soo dhowi ay tahay waajib caashagaratay ah, rukun aasaasi ahna u tahay sirta xorriyadda.
Waxaan hubaa, markaan ka fiiriyo xorriyadda shakhsiyadeed, in kol kasta oo ay yaraato farogelinta ay dawladdu isku dayeysaa, ay taasi u sii wanaagsanaanayso cid kasta oo ay khusayso; sidoo kale waxaan saaxi ku ahay in ay jiraan farogelin ay dawladdu xaq buuxa u leedahay. Tusaale ahaan, waxaan deedifaynayaa in xaq loo leeyahay urur iskii ah oo u dan leh in uu ciqaab jidheed ama xabbisaad gaadhsiiyo xubno ka mid ah; waanan waafaqsanahay in dawlad kasta ay u bannaan tahay in ay arrintan tallaabo degdeg ah oo xooggan ku diiddo.
Xukuumaddu, sida aan qabo, waxay si guud xaq u leedahay adeegga daacadnimada iyo joogtaynta leh ee shaqadeeda. Sidaa darteed, waxay xaq u leedahay in ay dejiso shuruud lagu dabrayo xorriyadda dhaqdhaaqyada bulsheed. Si ay xaq u noqotana, waa in marka la dejinayo lala doontaa oo aan laga fogayn cidda ay raadaynayaan; awoodda fulintuna waa in aanay noqon maxkamadda go’aanka kamaddanbaysta ah ka gaadhaysa.
In dadka lagu qasbo in ay ku shaqeeyaan shuruudo ay xaqdarro u arkaanna waxay iila muuqataa duudsi qaawan oo xorriyadda lagu la kacay, oo aan sinaba qiil loogu heli karin. Tusaale ahaan, haddii naadi kubbadda cagta ahi soo saaro qaraarro ku aaddan siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadda; sidaas oo kale ayay ururada shaqaalaha sharcidarro ugu tahay in ay ka hadlaan amuuro saaxaddooda ka baxsan.
Xubinta 4aad: Xorriyadda Ururnimada
Falanqaynta la xidhiidha xidhiidhka ururnimadu, waxay innoo sawiraysaa mushkiladda guud ee ku aaddan xorriyadda ururnimada ee arrimaha siyaasadda. Dawladdu waa in ay aammintaa in waajibka ka saaran ilaalinta nabadda iyo amnigu uu yahay xididka qeexaya jiritaankeeda; markaana waa in xorriyadda ururradu ay yeelanayaan lagu fadhiisiyaa waaqica ah in in aanay xor u noqon in dawladda ka takhalusaan.
Qodobkaygu waa in dadku ay mar kasta xaq u leeyihiin in ay samaystaan ururro mutaddawacnimo ah oo ay tabashooyinkooda ku cabbiraan, iyo in ay faafiyaan fekeradda ay u arkaan in ay dawo u yihiin waxa iyaga ka khaldan. Xaq se uma laha in ay ku kacaan ficillo keeni kara in ay dawladda is’hirdiyaan.
In aynu mar kasta maxkamadaynta ka ilaalinno in ay caaddifaddu soo dhexgashaa waa waajib innaga saaran xorriyadda. Si kasta oo aynu u qabno in ficillada eedaysanuhu ay khaldan yihiin ama xilkasnimadu ugu yar tahay, waa in aynu xasuusnaanaa in, sida guud, ay ka turjumayaan nac uurka ah oo loo hayo xaqdarro bulsheed – sidoo kale, dawladda uma bannaana in ay ka hortagto cabbiraadda jamashooyinka; iyada waxa keliya u bannaan in ay ka hortagto jamashooyinka lagu xaqiijiyo hab qallafsan oo cunfi ah.
Ugu danbayn, sharcigu uma jiro in uu sharci noqdo oo keliya, raacistiisuna kuma imanayso in uu arrin sharciyeed yahay uun. Balse, sharcigu wuxuu u jiraa waxan uu sameynayo; oo saxnimadiisa waxa go’aamiya mawqfika dadka uu noloshooda rabo in uu qaabeeyo.
Xubinta 5aad: Xorriyadda Habdhaqanka
Habdhaqanka waxa la isku ciqaabi karaa ama agabyada sharciyeed lagu mamnuuci karaa haddii uu iskii waxyeello u leeyahay, ama uu marka la badsado waxyeello keenayo, sidoo kalena ay caddaato in uu mujtamaca raad xun u leeyahay. Sababtoo ah, ma wada cabbudhin karno habdhaqannada marka la badsado waxyeellada keena. Inta badan, waa in aynu shakhsiga u daynaa in uu go’aan ka gaadho heerka badsashadu xaqiiqoobayso. Tusaale ahaan, cuntada in la badsadaa dhib bay keentaa, hasayeeshee qofna ma soo jeedin karo sharci joojinaya in aad wax loo cuno.
Waa in aynu xasuusnaanno in mamnuuciddu ay had iyo jeeraale halis ku tahay shakhsiyadda, oo ay masuuliyadda dabarto. Dadka shakhsiyaddoodu kuma samaysanto in laga ilaaliyo fidnada iyo wiswaaska, hasayeeshee waxay ku abuurantaa hadba sida ay awood ugu leeyihiin in ay ka adkaadaan fidnadaa.
Waa in aan, si guud, xuduuddayda ku bartaa tijaabada aan naftayda la maro; hasayeeshee noloshayda kuma sii wadan karo in aan habdhaqankayga ku dhereriyo halbeegyo iyo caadooyin ka turjumaya tijaabooyin dad kale. In la igu qasbo in qaacidooda noloshu ay tayda noqotaa, sida caadiga ah, waa shakhsiyaddayda oo la burburinayo; waxayna igu dirqiyaysaa in aan ku noolaado doonista dad kale, xataa haddii ay doonistaasi ila maroorsan tahay.
Habdhaqanna lama mamnuuci karo illaa si qeexan loo muuiyo in kudhaqankiisu, xataa haddii waddo macquul ah loo maro, uu curyaaminayo korriinka shakhsiyadda. Waxaa sidoo kale qasab ah, in aan la oggolaan in awoodda loo adeegsado, illaa la xaqiijiyo in dhaqangelinteedu ay dadka ka xoraynayso silsiladaha ku jaban; taas oo ah qiimaha aynu ku iibsan karno fursaddaa – awoodda uu qaannuunku u leeyahay xaddidaadda qaababka habdhaqannada bulsheed waxay ku xidhan tahay sida uu u keeni karo dareen guud oo oggolaansho ah.
Cutubka Saddexaad: Xorriyadda iyo Awoodda Bulsheed
Xorriyadi ma jirayso haddii aanay jirin xorriyadda hadalku. Xorriyadi ma jirayso haddii sedbursi gaar ahi uu xaddido xuquuqda qayb dhan oo bulshada ka mid ah. Xorriyadi ma jirayso haddii ra’yi keli ahi uu xakameeyo caadooyinka bulsheed ee dadka kale, isagoon dadkaa ku qancinayn in xakamayntaasi ay sababayn macquul ah ku dhisan tahay.
Hasayeeshee qofna madi maaha. Dad kale ayuu la nool yahay, oo ku nool yahay. Sidaa darteed, xorriyaddiisu mid furan noqon mayso, maaddaama uu iskudhaca waayo’aragnimooyinku ka dhigan yahay in si wadareed loogu hoggaansamo habdhaqameed gaar ah, si looga baaqsado in iskudhacaasi uu nabadda burburiyo; nabaddaas oo shardi u ah joogtaynta xorriyadda.
Waxa jira, dabarro xorriyadeed oo sida dhabta ah kordhiya badhaadhaha iinsaanka. Qayb ahaan waxay ka bedbaadiyaan culeyska ay leedahay in uu tallaabo kasta oo uu qaadayo muraajiceeyo mabda’yadii u horreeyey; waxayna u soo koobaan waayo’aragnimadii hore ee mujtamaca. Qayb ahaanna waxay ka bedbaadiyaan in iskudhaca jamashooyinku ay hirdan ku keenaan; markaa dammaanad bay siiyaan. Marka la isku soo xooriyo, iinsaanku wuxuu ka dhigan yahay qof socoto ah oo ka soo horbaxay boodh ay ku yaallaan astaamo muujinaya jihooyin badan. Sharcigu wuxuu ka caawinayaa, markaa jidka ay tahay in uu qofku raaco; waxaanu u sheegayaa in jidkaa sharcigu uu jeexay, sidoo kale uu yahay midka uu u jihaysnaa.
Badhaadhuhu waxa uu ku xidhan yahay awoodda uu qofku u leeyahay in uu maskaxfurnaan ku wajaho xaqiiqooyinka ay soo diyaariyeen shakhsiyaad madaxbannaan oo aan wax dan ahi ugu jirin in ay waxqabadkooda u duwaan dhinac gaar ah. Wixii intaa ka soo hadhaa waxay maskaxda ku xabbisaan garmaqaatannimo qaabka keliya ee ay ku shaqaysaaba uu yahay in ay caqliga u diiddo in uu u tallaabo meel ka baxsan xayndaabka cidhiidhiga ah ee garmaqaatannimadu ku nooshahay.
Shuruucda uma dejinno guryosamo dhalanteed ah oo aynaan garanayn xilli la gaadhi doono, ee waxaynu u dejinnaa caalamka aynu naqaan iyo nololaha aynu ku sugannahay. Taasina waxay innagu waajibinaysaa in aynu gacmaheenna ku suubsanno xorriyadda aynu dalbanayno. Haseyeeshee dibudhigis kasta oo aynu aqbalno, iyo fashil kasta oo aynu dammiinno ka nahay, wuxuun bay mideynayaan xoogagga cadawga la ah xorriyadda.
Xubinta 1aad: Xorriyadda Sinnaanla’aanta
Ma garanayo xilli taariikhda ah oo dadka awoodda gacanta ku hayaa ay si iskood ah uga tanaasuleen sedkii iyo galladdii dheeraadka ahayd. Waxay afka ka sheegaan in caqliga iyo caddaaladdu gacansarreyn doonaan; waxay se u jeedaan caqligooda iyo caddaaladdooda.
Bulsho kasta oo aanay ka dhex jirin sinnaan dhanka hawlgallada dhaqaale ahi waxay ku qasban tahay in ay xorriyadda ka dhigan weydo qaannuunka jiraalkeeda; sidaas oo kalena waxa ah bulsho kasta oo ku jirta kalaguur jujuub ah oo habnololeedkeeda immika ay uga gudbayso mid kale.
Fursadda bulsho aan sinnayn dhexdeeda, uu caqligu gacansarreyn karaa aad bay u yar tahay. Waayo, caqligu badiyaa wuxuu noqdaa khasaare marka la barbardhigo sida loo doorbidayo maslaxadda; sababtoo ah maslaxaddu waxay, siiba markay arrimaha mulkiyadda taagan tahay, gunuddaa caaddifad, haddiiba caaddifadi timaaddana, dadku xaqiiqada way ka indhobeelaan. Wuxuun bay indhahoodu qabtaan wixii ay rabaan in ay arkaan, waxaanay xaqiiqo u qaataan wixii u adeegaya hadafka ay jeclaan lahaayeen in uu bulaalo.
Nolosha tiroyartu aad bay uga durkaysaa midda aqlabiyadda, taas oo wax aan suuroobayn ka dhigaysa in si nabadeed la isula fahmo masalooyinka bulsheed iyadoon loo baahan in nidaamka bulshada si weyn loo dooriyo. Kalafogaantaasina waxay ka dhigan tahay in tiroyartu ay mar kasta la noolaanayso cabsi ka haysa in sedkooda lagu xadgudbo, halka aqlabiyaddu ay u xaasidayso mulkiyaddeeda.
Bulshadii awoodda aan loo sinnayn, si dabiici ah bay u hagaasaan dabciga iyo garashada dadka sagxadda ku sugani. Bulshaduna arrintaa waxay ku gashaa khasaare labajibbaaran. Tamartii iyo kartidii bulshada u adeegi lahaa way garbaduubmaan; in awooddii meelmarka ahayd gacmo yar ku urursan tahayna waxay ka dhigan tahay in jamashooyinka, aragtiyaha iyo baahiyaha aqlabiyaddu aanay helayn danayn ku filan.
Xubinta 2aad: Xorriyadda Sinnaanla’aanta Waayaha Dhaqaale
Debciga sinaanla’aanta dhaqaale waa in lagu qasban yahay kajawaabista dalabaadka meelmarka ah, dalabkaasina ma daneeyo aqoonta iyo baahida midna. Wuxuun buu daneeyaa in ay awood iibsi jirto, ee dan kama laha in ay u jiheysanto u adeegidda ujeeddooyinka bulsheed. Dabadeed dhammaan nidaamkii waxsoosaarku wuxuu u janjeedhsamayaa maslaxadda cidda awood u leh in ay baahiyaheeda meelmar ka dhigato.
Si aynu u kefayno waayo’aragnimada, waa in aynu miisaannaa mar kasta oo aynu go’aan gaadhayno. Kuma xukumi karno in ay tuuris tahay, innagoo u aanayna in aanay teennii ahayn; waayo waa gefka talomaroorsigu galo, ee uu hor iyo horraanba ku adkaysto in waayo’aragnimadiisa oo keli ahi saxan tahay. Waa in aynu waayo’aragnimadu u aragno in ay iskeed muhiimad u leedahay, oo aynu ku dedaalnaa waafaqiddeeda.
Xorriyadda dhaqaale waxaynu u baadigoobnaa maaddaama oo ay suurogelinayso kafeynta shakhsiyaddeena, iyadoo ka takhallusaysa faromadhnaanta ay muquuninta gardarrada ahi innagu keento. Dadkuna, sidaan qabo, kama dayriyaan degaankii ay ku dareemayaan in ay qayb weyn ka yihiin sameyntiisa iyo hadafka loo sameynayaba.
Natiijada aasaasiga ahi waa in bulshadii sinnaanla’aani ka dhex jirtaba xorriyadda lagu duudsiyo, oo ismarinwaaguna cirka isku shareero. Qiimaheedii baa marinhabaaba, waxana xoogaysta aaladda marinhabaabinta sii tarmisa, heer baanay gaadhaa ay ka indhobeesho arkidda xaqiiqooyinka ay waajahayso – bulsho, waxa mid aan sinnayn ka dhiga, in caddaaladu aanay qaamuuskaba ugu jirin.
Xubinta 3aad: Xorriyadda Qoomiyadeed
Waa run in qoomiyadnimadu ka dhalato soojireen taariikheed oo la wada leeyahay, iyo guul iyo rafaad la wadaago; waana run in afka iyo isirku, iyo xataa raacista siyaasadda wadaagga ahi, ay qaybtooda ka qaataan qaabaynteeda – xaqiiqadu waa in qoomiyadnimadu ay tahay shaacsane nafsadeed ee aanay ahayn mabda’ qaannuun.
Micnaha qaannuun ee siyaadaduna waa awood buuxda. Dawladdu, iyadoo siday jeceshahay raacaysa, nabad iyo colaadba way geli kartaa. Waxay xaq u leedahay in ay soo rogto tacaariif u gaar ah, oo ay qoxoontiga ku xaddido, oo ay go’aamiso xuquuqda shisheeyuhu ku dhexyeelanayo, iyadoo aan ku qasbanayn in ay deriskeeda la tashato ama ay danayso mabda’yada caddaaladda.
Qoomiyadnimadu, marka la soo koobo, waa in – haddii la rabo in ay la jaanqaaddo baahiyaha xaddaaradda – loo fahmo in arrimaha maslaxadda wadaagga ah leh ee ka dhexeeya wax ka badan hal dawlad-qarameed, aan lagu sii deyn go’aanka xubin keliya oo beesha caalamka ka tirsan.
In siyaadadii qoomiyadeed laga tanaasulaa waa awooddii cadaawadda lahayd oo laga tanaasulay; dabadeed shacab kasta waxa u suuroobaysa in iskii xorriyadi ugu sii korodho, marba haddii uu ogsoon yahay in aanu intaa waxa ka danbeeya, ku hoos noolaanayn jewiga xaqdarrada caalamiga ah.
GUNAANAD
Deraasad kasta oo xorriyadda lagu sameeyaa waa baaq ku aaddan dulqaadka; baaq kasta oo dulqaadka ku saabsanina waa xoojinta xuquuqda caqliga. Faduulnimada, daahfurka, ikhtiraacyada iyo waxyaabaha la halmaalaa waxay sidooda bannaanba gilgilaan tiirarka ay ku taagan tahay bulsho kasta oo natiijadooda la col ah. Sidaas darteed, dulqaadku iskii uun wax la jeclaysto uma aha e, sidoo kale siyaasad ahaan waa xilkasnimo, waayo waa jewiga keliya ee saamaxa in uu isbeddel nabadeed taabbogalo.
Dadkuna, in la amray oo keliya darteed, garashada waayo’aragnimadooda ugama tanaasulaan midda qayrkood. Waa se’ in si caqligal ah loogu qanciyo in himmiladani ay dhaanto midda kale; waana in waayo’aragnimada loo ammaanayo lagu qanciyaa ee aan lagu sandulleyn, haddii la rabo in ay dalabaadkeeda raallinnimo ku aqbalaan.
Ciqaabtu dadka qaar bay ku qancin kartaa in ay dedaalkooda faraha ka qaadaan; dadka qaar kalena waxay ku qaadi kartaa in ay qarsadaan damacooda ku aaddan in ay ra’yigooda fulin u beddelaan. Muquunnintu se, si kasta oo ay gaagmareebto u tahay, marna xaqiiqada wax-ku-oolka ah ma sii cabudhin karto muddo dheer – taariikhda amarkutaaglaynta waxa waligeed tilmaan u ahayd in amarkutaagleeyuhu taagdarreeyo, ka lagu amarkutaagleeyaana xoogaysto; waayo waxay indhaha ku soo jeedisaa dalabaadkiisa iyo xuquuqdiisa.
Shakigu wuu milaa xammaasadda; hasayeeshee xammaasaddu mar kasta waa cadawga xorriyadda. Jewiga aynu u baahannahay, haddii aynu doonayno xaqiijinta badhaadhe wadareed, waa midka aynu wax kasta ku helayno sugidda waayo’aragnimada, ee haddii qanaacadeeda la kala haadiyana aynaan waxba ku waayayn.
In xaqiiqada lagu gaadhi karo caqliga oo keli ah; iyo in caqliga laga durko, oo aan laga dhigan hab lagu xaqiijiyo qanaacadu, waxay mar kasta ka turjumaysaa doonis hoose oo lagu rabo ilaalinta xaqdarrada. Meel kasta oo caqliga lagu ixtiraamo, waxa sidoo kale tixgelin ku hesha xorriyadda. Tixgelinta xorriyadda oo qudha ayaana nolosha dadka qurxin karta.