Madbacada Hiil Press

Xoolaheenna: Shanta meesi iyo maarayntooda

In stock
$7.00

Buuggan la magacbaxay Xoolaheenna, waa buug aqooneed loo baahnaa. Dadka Soomaaliyeed waa dad u badan xoolodhaqato, kuna faana xoolahooda oo u ah isha dhaqaale ee ugu mudan. Waa loo baahnaa in la helo buugaag ka warramaysa xoolaha Soomaalidu dhaqato. Buuggan oo aan nasiib u helay in aan akhriyo, isaga oo aan weli la daabicin, waxa aan ka bartay wax badan waana hubaal in aan ku noqon doono akhriskiisa. Waxa kale oo aan ku farxay, sida uu ugu fikiray in uu buuggan qoro Mustafe Xaaji Axmed (Sheybe) oo ah nin da'yar, aqoon fiicanna u leh xoolaha Soomaalidu dhaqato. Bulsho kastaa waxa ay ku faantaa lafdhabarta dhaqaalahooda, aqoon sarena waa ay u yeeshaan. Buuggani waxa uu kow ka yahay, aqoon ballaadhan oo loo baahnaa in qoraal lagu helo.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.