Madbacada Hiil Press

Dan iyo dareen

In stock
$8.00
Erayga dhigani sidiisaba wuxuu ka mid yahay aaladaha awoodda badan ee dhalin kara isbeddel bulsho oo lagu tanaado. Sidaa darteed, qormooyinka buuggu waxay naqdinayaan ama durayaan hab-dhaqan nololeed liita oo ay tahay in bulsho ahaan aan ka korno.
Dan iyo Dareen waa buug akhristaha si heersare ah ugu soo warinaya in badan oo ka mid ah waayaha bulshada ee maanta. Waa dhigane, isaga oo adeegsanaya erayga dhigan, isku dayaya inuu dhaayaha akhristaha u soo dhaweeyo umuuro mudan in lagu baraarugsanaado. Waxa uu ka kooban yahay 25 qormo oo iskugu jira sheeko-faneedyo iyo maqaallo, dhammaantood faaqidaya hab-nololeedka bulshada.
Dhaqannada buuggu ka digayaa way badan yihiin, balse haddii aan si dul-ka-xaadis ah u tilmaanno waxa ka mid ah: tacabdiidka, haybsooca, iska fadhiga, u kala abtirinta inta dantoodu isku sidkan tahay, isku liska inta wada degan ama doodwadaagta ah, balwadaha, adeeg xumada, qorshe la’aanta iyo xil gudasho la'aanta heer walba. Dhaqannadan qormooyinku la dagaalayaan inta san ee ka soo horjeedda oo dhan buuggu waa dhiirigalinayaa. Wuxuu buuggu boorrinayaa oo u taagan yahay horumarka shakhsiga ah, ka qoyska, degmada ama dalka guud ahaan.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.